Hay’adda Macdanta & Shidaalka dowladda Puntland digniin soo saartay

August 5, 2015 - Written by Editor

ciiseBoosaaso:-Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Baarlamaanka Soomaaliya uga digtay inay meelmariyaan sharciga Shidaalka kaasoo ka hor imaanaya axdiga KMG ah ee la sameeyay 2012 gaar ahaan qodobadiisa 45 iyo 55.

1 Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland, waxay uga digaysaa Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Muqdisho in la meel mariyo sharciga Shidaalka ee ay hordhigeen Golaha barlamaanka Dawladda Federalka Somaliyeed, bishan August 2deedi, 2015, sababaha soo socda dartood.

2 Sharcigaan oo si sharci darra ah loo soo qoray, ma waafaqsan Axdiga qarameedka hada jira. Dawladda Puntlandna ma aqbalidoonto sharcigaas maadama aan laguwadda heshiin, ay samaysay Wasaarad si sharcidaro ah ku dhisan, sharcigaas oo ay rabaan in ay ugu gudbiyaan Golaha Barlamaanka oo qaybtiisii kale ay weli maqantahay, iyo weliba, Dawladda iyo Barlamaanka oo aan arinka u haysan awood sharci oo ay sharci noocan ah ku sameeyaa.

3 Axdiga ku meelgaarka ah ee Jamhuriyadda Federalka Somaliyeed ee la sameeyey 2012kii ma siin Dawladda Jamhuuriyada Federalka Somaliyeed iyo Barlaamaanka Federalka Somaliyeed awood sharci oo ay ku sameeyaan shuruuc khusaysa arimaha khayraadkada dabiiciga ah, amaba shidaalka iyo macdanta Soomaaliya. Waxaa amuurtaasi ku cadahay Qodobada 45 iyo 55 ee Axdiga kumeel gaarka ah ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed.

4 Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland waxaa ay ogtahay in sharcigaan cusub ee qabyada ah ay dabada ka riixaayaan shirkado shisheeye, sida Soma Oil and Gas, iyo kuwo la halmaala oo doonaya in ay si xaaran ah ku qaataan heshiisyo cusub, amaba laysku dayo in lagu xalaaleeyo heshiisyadkii hore oo ay Dawladdu la gashay shirkada Soma Oil and gas oo iyadu lacag ay leedahay ku dhisatay Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Muqdisho. Shirkada Soma Oil and Gas oo si sharcidaro ku heshay heshiiska ay hada haysato ayaa waxaa lagu wadda baaris caalami ah, baaristaas oo khusaysa musuqmaasuq iyo laaluush.

5 Baaritaanka lagu wado shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa saldhig u ah in laaluush iyo hab musuqmaasuq ah lagu siiyey heshiiskaas iyo in kale. Sidaas darted, Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka waxaa ay Dawladda Federalka ah usoo jeedinaysa in ay ka baxdo heshiiska ay la wadaagto Shirkada Soma Oil maadaama shirkadaas uu ku socdo baaritaanka khusaya Laaluush.

Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland
Agaasimaha Guud Ciise Maxamud Farax
dhollowaa@gmail.com; +252907799861

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online