Heshiiska maamul dhisidda gobolladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo maanta la saxiixay[Masawiro]

August 8, 2015 - Written by Editor

Heshiis (2)Muqdisho:-Munaasabad ay soo qabanqaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo lagu saxiixay heshiiska maamul dhisidda gobolladda Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynahe Dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid , xubno ka socday labadda gole iyo Wakiiladda Beesha caalamka.

Waxaa saxiixay Guddoomiyayaasha labadda gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee ka so jeeda labadda gobol, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u matalaya Xukuumadda iyo Wakiiladda UN, Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub oo heshiiska u saxiixay goob-jooge ahaan.

Xogahayaha Joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane  Ismaaciil ayaa goobta ka aqriyey qodabadda heshiiska la saxiixay oo kala ahaa.

1- in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

2:  In dhismaha maamulka ay ka qayb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

3: In laqabto shirweyne ay u dhanyihiin dhammaan beelaha deggan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol

4: In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban 31 Xunood oo ka socda dhammaan beelaha dega Goboladaas. Gudigaas farsamo waxaa lagusoo magacaabaya muddo 14 casho gudohood ah oo ka bilaabaneysa marka lasaxiixo heshiiskan.

5: Maamulka la dhisayo isagoo metelaaya dhammaan beelaha dega labadaas Gobol wuxuu u howl gelayaa si wada jir ah in loola dagaalamo nabad-diika, goboladaasna lagusoo dabaalo nabad iyo xasilooni.

6: Geedi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhamestirayaa muddo ku siman 60 maalmood gudahood, waxaana fududeynaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

7: xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta, taaba gelinta hishiiska iyo bixinta wixi tasiilaad ah.

8: Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya xukuumadda Federaaka Soomaaliya, kuna soo celineysa saxiiixayaasha.

9: Cid alla iyo ciddii carqaladeysa hannaanka geedi socodkan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade, waxaana laga qaadi doona tallaabada ku haboon.

10: Hishiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Guddoomiye yaasha labda Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo 11-ka Wasiir ee ka soo jeeda labadaas gobol.

11: Saxiixayaasha heshiiskan xirriir lama laha, habka awood qeybsigu noqon doono.

12. Hishiiskan wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo maalinta la saxiixo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa  ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ka go’an tahay  in muddo cayiman gudahooda ay ku soo gaba-gabeeyso dhisidda maamulka Hiiraan iyo Shabellaha dhexe iyadoo loo marayo wadatshi iyo ka qeyb gelinta dhammaan qeybaha bulshada labada Gobol si loo dhiso maamul Goboleed loo wada dhan yahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu mudda lixda bilood ah ee ay jirto  horumar ka sameysay dhismaha maamullada dalka. Waxaana Ra’isul Wasaaruhu si gaara farta ugu fiiqay guulhii laga gaaray dhamestirka maamulki Galmudug iyo kan maanta hortiisa lagu saxiixay hishiiski lagu bilaabi lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba-gabadii munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dhisamahii maamilka Galamudud isagoo sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in Wasaaraddu ay guulo ka soo hoy doonto maamul dhisidda Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe muddada 60-ka casho ah ee ay Wasaaraddu cayimtay.

no images were found

Dhamaad.

Dr Ismail Jumale
Permanent Secretary
Ministry of Interior & Federal Affairs
Federal Government of Somalia
E-mail: jimale101@hotmail.com
Somalia Tel: +252 616 322 726

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online