Maamulaha College-ka Abu-Hurayra oo ka hadlay dab qabsaday College.[Video/Masawiro]

August 23, 2015 - Written by Editor

8Laascaanood:-Waxaa saaka abaarihii 5:00 Am dab uu qabsaday goob waxbarasho oo ku taallada Xaafada Ex-Kaantarool , ee dhinaca waqooyi Bari ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.Dabkan oo ka dhashay Taraq(Kibriid)la qabadsiiyay Laambada mid ka mid ah qolalka ay degan yihiin ardayda wax ka barta College kani . Goobtan oo ahayd Boodhan(Meel lagu xareeyo caruurta si loo baro Diinta iyo Akhlaaqda Suuban ayaa waxaaa ku xaraysnaa tiro boqol ahaan gaadhaysa.

Dabkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare ba’an oo maal ah iyadoo arrinka dhacay uu sabab u ahaa mid ka mid ah ardayda wax ka barata Machadka isaga oo u isticmaalay Taraq iyo Gaas uu qabad siiyay Laabmadii ku xidhnayd qolkii uu ku jiray.

Maamulaha College-ka Sh Ilyaas Maxamuud C/Raxmaaan oo Saxaafada la hadlaya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay bad baadiyaan dhamaan ardaydii ku jirtay goobtan , isla markaana ay gacanta ku dhigeen ardaygii sababay khasaarahaan , iyo laba arday oo Iyana ku caawiyay inuu fuliyo falkan.

Sidoo kale , wuxuu sheegay maamuluhu in aanay khasaarahani ka imaan shook , ku kacay guriga. Boodhankan oo lagu magacaabo Abu-Hurayra ayaa waxaa ka soo baxay 22-ka Arday ee ugu Sarreeyay 32 dii ardya ee ugu sarreeyay guud ahaan gobolka Sool Tartanka Xifdinta Qur’aan ka Ramadaantii aynu soo dhaafnay , iyadoo Boodhankani uu yahay mid loo aqoon saday kan ugu tayada wanaagsan boodhanada ku yaalla magaalada Laascaanood .

no images were found

Hoos ka Daawo xarunta waxbarasho oo ku gubatay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online