Madaxweynaha DFS oo kulan la yeeshay Danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta

August 25, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho, 25 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa ka wadahadley xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dowladda Soomaaliya , baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dowliga ay diyaar u yihiin inay fududeyaan iskaashigaasi labada dhinac ka dhexeeya.

Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa soo dhoweeyay horumarka amniga, siyaasadda iyo midka baahinta xukunka ee ay ku tilaabsatey Soomaaliya, iyagoo intaa raaciyey in Soomaaliya aaney xiligan waqti u haynin inay lugaha la gasho khilaafaadyo kale oo siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara horumarka la gaarey.

Danjireyaasha waddamada Djibouti (Dayib Dubad Rooble), Imaaraadka Carabta (Maxamed Al Cuthmaan) iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Cabdalla Idiris ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay laban laabeyso taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online