Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo ka hadlay safarkiisa Gaalkacyo.[Dhagayso]

August 12, 2015 - Written by Editor

17Gaalkacyo:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wafdiga madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey iyadoo soo dhaweynta ay ka qayb qaateen maamulka gobolka, kan degmada Gaalkacyo iyo bulshada qaybaheeda kale duwan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay saxaaafadda ayaa waxaa uu shacabka iyo maamulka Gobolka Mudug uga mahadceliyey sida balaadhan oo ay wafdigiisa u soo dhaweeyeen isagoo xusay in xaalada Gobolka ay u kuur geli lahaayeen.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa socdaalkiisa waxaa uu jeedkiisa yahay in la dar dar geliyo shirka wada tashiga Puntland oo ka dhici doona magaalada Gaalkacyo oo hadda maraya gabagabo.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Gaalkacyo waxaa uu la kulmi doonaa odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug iyo weliba maamulka Gobolka.

Hoos ka Dhagayso Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyey safarka uu ku tegay Gaalkacyo

[audio: https://halgan.net/Mp3/Dr-Gaas.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online