Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo u dhoofay dalka Kenya

August 19, 2015 - Written by Editor

amed-1Kismaayo:-Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Waftiga Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku sii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan 3 gole ee dowladda Jubbaland.

Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafiga uu hogaaminayo ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi waxaa ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa xubno a tirsan beesha caalamka iyo Jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool dalka Kenya.

Socdaalka uu Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ku tegay Kenya ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee dalka dibadiisa uu ku gaaro ka dib marki mar labaad uu ku guulaystay doorashada Madaxweynanimada Jubbaland.

A/cawaale
Hagan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online