Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo gaaray Dooloow
August 4, 2015 - Written by EditorDoolow:-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminaayo, ayaa waxaa ay gareen Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.
Madaxweynaha J/land ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Doolow waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay dadweyne tiro badan iyo madax ka tirsan J/land uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka J/land Jen Fartaag.
Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland waxaa lagu sheegay in uu yahay u kuurgalka Xaalada Guud ee Gobolka Gedo iyo sidii Maamul loogu dhisi lahaa Degmooyin ka tirsan gobalka Gedo ee laga saaray kooxda Al-Shabaab.
Amaanka degmada Dooloow ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubaland a uu caawa kulamo kala duwan la leeyahay Madaxada iyo saraakiil ka tirsan Jubaland oo ku sugan Degmada Dooloow.
Cabdi Yare
Kismaay