Madaxweyne Gaas oo booqday carruurtii uu ka dhintay xildhibaan Siciid Nuur Dirir.[Masawiro]

August 14, 2015 - Written by Editor

15Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-8-2015 booqday Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey iyo sidoo kale caruurtii iyo xaasaskii uu ka dhintay Marxuum Xildhibaan Siciid Nuur Dirir.Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa hoygeeda ku booqday Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey oo kaalin weyn ka qaadatay Nabad-gelyada, Horumarinta Waxbarashada iyo daryeelida dadka danyarta ah ee Gobalka Mudug.

Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey oo kaalin wanaagsan kaga jirta bulshada Puntland ayuu madaxweynuhu ku bogaadiyey howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayso, isagoona alle uga baryey in uu u fududeeyo.

Intaas ka dib ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu gurigooda ku booqday caruurti iyo xaasaskii uu ka dhintay Rabbi ha unaxariiste Marxuum Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland , gacan ka xaqdarana ay ku dishay magaalada Gaalkacyo. Qoyska marxuumka ayaa Alle uga baryey in samir iyo iimaan buuxa uu ka siiyo marxuumka.

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online