Beesha Caalamka oo Madaxweynaha Jubaland ugu hambalyeysay doorashada Madaxtinimada.

August 18, 2015 - Written by Editor

mjMuqdisho:- Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) ayaa ugu hambalyeeyay Sh.Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” doorashadii dhacday 15kii Agoosto ee loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka ee Jubba (IJA).

“Waxaan Sheekh Axmed Maxamed Islam “Madoobe” ugu hambalyeeynaynaa doorashadii Golaha Baarlamaanka ee Jubba ugu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba. Waxaan bogaadinaynaa sida Mudane Madoobe ay uga go’antahay inuu si dhab ah ula shaqeeyo guddigii uu dhisay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke si xal loogu helo qaab dhismeedka Golaha Baarlamaanka ee Maamulka Ku-Meelgarka ee Jubba waxaana ku dhiirrigelinaynaa (Mudane Madoobe) in arrintan sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalliyo iyadoo loo marayo qaab loo wada dhanyahay.

Waxaan soo dhoweynaynaa taageerada uu Mudane Madoobe u muujiyay natiijadii ka soo baxday (shirkii) Madasha Wadatashiga Heerka Sare iyo weliba Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232 (2015).

Waxaan ku dhiirigelinaynaa Mudane Madoobe, Maamulka Kumeelgaarka ee Jubba iyo Dowladda Federaalka inay si dhow ula shaqeeyaan Soomaalida inteeda kale ee ay arritu khusayso si wadahadal wax dhisaya looga yeesho hanaanka maamul dhisidda iyo hanaanka doorasho ee 2016.

Waxaan Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba ku ammaanaynaa sida ay uga go’antahay inay si dhow ula shaqeeyaan iskaashina la yeeshaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM si loo xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacanta Al-Shabaab loona baahiyo Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.

Waxaan garowsanahay in saaxiibada caalamku ay sii wadi doonaan dadaalka loogu jiro dhaqaale ururinta iyadoo loo marayo nidaamyada hadda jira si loo taageero adeegyada asaasiga ah oo la gaarsiiyo dadka ku nool gobolladan lana dhiso tayada Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba.” Halkaan ka eeg warsaxaafadeedka 

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online