Saraakiil ka tirsan ciidanka S/land oo lagu toogtay magaalada Boorame

August 11, 2015 - Written by Editor

BoorameBoorame:-Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidanka S/land uu toogtay Taliyihii aagga galbeed ee milateriga S/land, Gaashaanle sare Xassan Caqli iyo Xiddigle Faarax Carraal.Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo la hadlay idaacadda ayaa BBC-da ay dhacdadaan foosha xun u xaqiijiyey.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in gaashaanle sare Xassan Caqli uu qabo dhaawac helis ah, haatana lagu daaweynayo cisbitaal ku yaalla magaalada Boorama, halka Xiddigle Faarax Carraale uu goobta ku geeriyooday.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax waxa uu intaa ku daray in askariga toogtay saraakiishan oo ku sugnaa xerada milateriga ee magaalada Boorama ay ciidanku gacanta ku dhigeen haddana uu xiran yahay.

Dhacadaan ka dhacday degmada Boorame ee Gobolka Awal ayaa waxaa ay noqonaysaa dhacadadii afaraad oo Saraakiil ka tirsan ciiddanka S/land uu toogto askari ka tirsan ciidanka S/land.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online