Shirka wada-tashiga Puntland oo maalinta beri ah ka furmaya magaalada Gaalkacyo

August 24, 2015 - Written by Editor

IMG_2222Gaalkacyo:-Waxaa maalinta beri ah si rasmi ah uga furmi doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Shirka wada-tashiga Puntland, shirkaas oo uu horay u go’aami yey qabsoomidiisu Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa soo gaaray ergooyin kale duwan oo ka kala yimid Gobollada Puntland kuwaas oo hadda degan Hotellada waaweyn ee Gaalkacyo sidda ay saxaafadda u sheegeen gudiga qaban qaabada ee shirka wada tashiga Puntland.

Shirka wada-tashiga Puntland ayaa waxaa uu noqonayaa mid looga doodi doono ama lagu lafa gur doono wax u qabsoomay Puntland , dib u dhacyada jira iyo wixii ka qabsoomay ilaa markii 1998 la yagleelay maamulka Puntland.

Shirka wada-tashiga Puntland ayaa waxaa ka qayb galaya Cuqaal , Nabadoono , Aqoon yahan culimo’udiin iyo bulshada qaybaheeda kale duwan waxaa ka qayb galay ergo kor u dhaafay ilaa 200 oo ergo.

Shirka wada-tashiga Puntland ayaa waxaa loo qaybiyey ilaa 4 shir oo kala ah shirka wada tashiga beelaha oo beri ka furmaya Gaalkacayo , shirka Issimada oo ka dhacay magaalada Qardh ee xarunta Gobolka Karkaar, Shirka Qurba jooga oo ka dhacay Garoowe , iyo Shir guud oo looga hadlayo go’aamada ka soo baxay shirarkaas oo ka dhacay magaalada Garoowe.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2015
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online