Dr Saadiq Eenow iyo Dr Cali Xaaji Warsame oo soo dhaweeyey gudiga doorashooyinka Puntland.[Dhagayso]

February 17, 2016 - Written by Editor

dr.eenow_-100x70Swedan:-Wasiirkii hore ee caafimaad dowladda Puntland Dr.Saadiq Eenow ayaa waxaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir waxaa uu soo dhaweeyey guddiga doorashada Puntland oo dhawaan uu magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland iyo Golaha Baarlamaanka.

Wasiirkii hore ee caafimaad dowladda Puntland Dr, Saadiq Eenow ayaa yiri ‘“Waa tillaabo wayn oo horay loo qaaday dhismaha guddiga doorashada Puntland balse waxaa muhiim ah ayuu raaciyey in la dhiso Maxkamadii Sare si looga fogaado in arrinku u ekaado mido lagu raad gadanayo oo waqti badana uu ku lumo.

Hoos ka Dhagayso waxaa khadka taleefanka ku waraystay wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim

[audio: http://www.radiodaljir.com/resources2/files/SAADIQ.MP3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Dhinac kale Wasiirkii hore Waxbarshada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa waxaa uu soo dhaweeyey dhismaha gudiga doorashooyinka Puntland isagoo xusay in ay haboonayd in sanadkii ugu horeeyey la dhiso gudi doorashooyin.

Wasiirkii hore waxbarshada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa isagana sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso Maxkmadii Dastuuriga ahayd iyo weliba xeerarkii Xisbiyada iyadoo buu yiri arrinkaas ay masuuliyadeedu saaran tahay Baarlamaanka dowladda Puntland.

Hoos ka Dhagayso Wariye shiine uu la yeeshay Wasiirkii hore Waxbarshada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/dr.Cali-Xaaji.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online