Ergeyga gaarka ah ee ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo tegay Cadaado

February 17, 2016 - Written by Editor

525661Keating_SomaliaCadaado:- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo horkacayay wefdi ka kooban danjireyaal iyo xubno sare oo ka socda beesha caalamka – sida Modowga Afrika, Midowga Yurub, Sweden, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya – ayaa manta booqasho ku tegay Cadaado si ay kulamo ula yeeshaan Madaxweynaha Maamulka Ku Meelgaarka ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo madaxda deegaanka.

Xubnaha wefdigu waxay dhageysteen fikradaha laga qabo go’aanki ay Dowlada Federaalka ah ka gaartay nooca doorasho ee 2016, qorshaha lagu hirgelinayo doorashadaas, iyo hindisaha Khariidadda loo marayo 2020 taas oo ugu dambayn horseedi doonta doorashooyin ku qotoma ‘qof iyo codkiisa’. Madaxweyne Guuleed ka sokow, wefdigu wuxuu la kulmay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Ku-xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug, madaxda bulshada rayidka ah iyo odey-dhaqameedyada.

Waxaa walaac laga muujiyay habka loosoo xulayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka laakiin dhamaantood waxay carrabka ku adkeeyeen inay ogolyihiin go’aanka ay Dowladda Federaalka ah ka gaartay nooca doorasho. Maadaama Maamulkoodu cusubyahay, waxay sheegeen in loo baahanyahay in tixgelin gaar ah la siiyo arrimaha amniga iyo horumarka Galmudug.

“Waxaan Cadaado ku yeelanay fikir is-weydaarsi waxtar leh,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating gebagebadii booqashada. “Madaxdii ka kala socotay baarlamaanka, odey-dhaqameedyada iyo ururada bulshada si cad ayay u sheegeen yididiilada ay ka qabaan Dowladda Federaalka ah iyo beesha caalamkaba”

Sourc: UNSOM

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online