Faahfaahin qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.[Video]
February 28, 2016 - Written by EditorBaydhabo:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay labo qarax oo waaweyn kuwaas oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo qof is miidaamiyey oo isku qarxiyey makhaayada Badar oo ku taal Bartamaha magaalada Baydhabo.
Qarax ayaa waxaa lala eegtay labo makhaayadood oo dadku ay ku caweynayeen laguna fiirsanayey banooni waxaana qaraxyadaas ku dhintay ilaa 20 qof halka 40 qof ay ku dhaawacmeen. Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo baxaya in uu ku dhintay wasiir ku xigeenka wasaaradda hub ka dhigista ee maamulka Koonfur Galbeed.
Qarax ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili habeen ka hor weerar khasaaro badan dhaliyey lagu qaaday Hotelka-SYL ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ka dhacay magaalada Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo beegmayaa oo kale xili dowladdaha reer Galbeedka ay ka dhawaaji yeen in ay dhimayaan lacagaha ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Fariin Qoraal ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerarkii ka dhacay Baydhabo ayna la beegsadeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo odyaasha dhaqanka baydhabo ee soo xulay Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee uu madaxweynaha u yahay Shariif Xassan Sh Aadan.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur galbeed oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo.
Hoos ka Daawo Qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen 20 qof dhaawac 40 qof
A/cawaale
Halgan.net