Nadwo ku saabsan Ahmiyada Aminga uu u leeyahay Bulshada oo lagu qabtay Masjida Rowda ee Boosaaso.[Masawiro]
February 5, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Habeenimadii jimcaha Bishuna ahayd 1437/04/26”H” Kuna beegnayd 2016/02/4 ayaa Waxaa Masjidka Al Rowda ee Magaalada Boosaso kabiowday olole wacyi galin ah . Ololahan oo bulshada lagu wacyigalinayey Ahmiyada Amniga loogagana digayey khatarta qabyaalada ayaa waxaa uu iskugu jiray nadwo , kalmado masaajida , khudbooyinka jucmada, iyo kalmado iskoolada laga jeedinayo .
Ololahan ayaa waxaa ku bilaamatay Nadwado kooban oo hal habeen ah oo ku saabsanayd “ AHMIYADDA AMNIGA IYO KA DIGIDA KHATARTA QABYAALADA” Nadwadan oo ku soo beegmatay Xilli ay Magaalada Boosaso ka dhaceen Rabshado Amniga lid ku ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Culuma Udiin Salaadiin Aqoonyahanno iyo Ganacsato.
Sh. Maxamed Macalin oo ka hadlayey ‘Ahmiyada Amniga iyo Wadajirka Ummada’ aya ku dheeraday Ahmiyada Amniga Ummadda u leeyahay loona baahanyahay in nimcadaas amniga laga shukri naqo lana adkaysto. Sheekh Maxamed oo Hadalkiisa sii wata ayaa Waxa uu carabka ku adkeeyey Ahmiyadda Wadajirka Ummada Islaamka gaar ahaan Ummadda soomaaliyeed .
Intas ka dib ayaa Sh. Cabdirahman Bukhaari soo jeediyey Muxaadaro ku saabsan Qabyaalada iyo dhibaatadeeda ay Umadda Soomaliyeed ku hayso Iyo wax Shareecada Islaamka ay ka qabto. Sh. Axmed Dahir oo Kalmad aad u dheer oo Dhinacyo badan Taabanaysa ka soo jeediyey Nadwad ayaa ka Hadlay Nimcooyinka Allah uu Siiyey Reer Boosaso iyo sida Loogu baahan yahay in Lagu shukriyo lagana shaqeeyo adkaynta Amniga .
Maxamuud Faarax oo ka mid ah Ganacsatada Reer Puntlandi aya Ka hadlay Xiriirka u Dhexaya Amniga Iyo Ganacsiga Waxa uuna Sheegay in haddii la waayo Amni uusan Jiraynin Ganacsi iyo Hormar. General Cali Ismacil oo ka mid ahaa aqoonyahankii goobta ka hadlay ayaa ku dheeraday Ahmiyada Amnigu uu uleeyahay Nolosha Aadama ,isagoo dhanka kalena tilmaamay dhibaatada iyo fowdada iyo rabshooyinka ku keenaad Bulshada iyo Dowladaha.
Gabagabadii nadwada ayaa waxaa soo xiray Suldaan Bashiir Muuse oo ku hadlayey Afka Issimada Reer Puntlandi ayaa Asna Kelmadiisa kaga hadlay Amniga iyo Ahmiyadiisa. Waxa uuna Baaq u direy Ummada Soomaliyeed in la iska kaashado Amniga Lagana soo Horjeensado Qof walba oo shar wade ah.
no images were found
Xafiiska warbaahinta
Mu’asasada Alminhaaj Bari.