Prof. Juurille: “Ma Xaq bey ahayd nin bulshada wax ku soo kordhinayey ineynu dilno” [Daawo]
February 3, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Xildhibaan Prof Cabdirisaaq Juurile oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadlaya dilka ganacsade AUN Xirsi Aduunyo. Mudane Cabdirisaaq Juurile ayaa ka hadlay dilkii xalay loogu geystay magaalada Boosaaso ganacsade Xirsi Aduunyo kaasoo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay Puntland. Nin ganacsade ah oo wax badan ku kordhinayey bulshada ma xaq bey ahayd inaynu xalay dilno Yey tahay mas’uuliyadeeda inay ilaaliso ma Wasiirada ,ma aniga ma dhalinyarada ma inagoo dhan ba “”ayuu yiri Juurile.
Waxaa kale oo sheegay in fariinta uu dirayo ku socoto shacabka reer Puntland oo dhan ,isagoona sheegay in loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo. Wakhtigan lagu jiro ayuu sheegay in Puntland diiday arrin Soomaali oo dhan lagu jihayno taasoo aanba waxba tarayn sida uu sheegay haddii la dilayo hal-doorkii bulshada.
Marka inta aad soo baxdo magaaladii dab gelinayso ,marka intaad soo baxdo nin hal-doorkaagii aad gurigiisii intaad ugu tagto ku dileyso yey tahay iney ka hadlaan ma Booliska ma Ciidankeynu u dirnay baa mase waa xil muwaadin kasta”””ayuu yiri.
Xildhibaan Cabdirisaaq Juurile ayaa hadalkiisu kusoo beegmayaa xili xalay gudaha magaalada Boosaaso kooxo hubeysan ku dileen ganacsade Xirsi Aduunyo oo si weyn looga yaqaanay Puntland.
Hoos ka Daawo khudbadii Prof Cabdirisaaq Juurile uu uga hadlay dhibkii ka dhacay Boosaasso
Xigasho: SAHAN ONLINE