Wafdigii beesha caalamka oo saaka dib ugu laabanaya magaalada Muqdisho
February 11, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Garoowe ka dhoofi doona wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ka dib markii labadii maalmood ee u danbaysay ay kulamo gaar gaar ah la qaateen 3 gole ee dowladda Puntland, Issimada , Siyaasiyiinta iyo ururada bulshada rayidka ah.
Shirarka gooni goonida ah ee ay wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating la qaateen qaybaha kale duwan ee Puntand ayaan wax is afgarad ah laga gaarin waxaan kulamadu ay ku soo idlaadeen natiijo la’aan.
Wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa mar dhow ka dhoofi doona magaalada Garoowe waxaan uu wada tashi ugu noqon doonaa madax dowlada Federaalka Soomaaliya bal wax laga bedeli karo go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ka gaartay doorashada 2016 ee ah in nidaamka 4.5 dib loogu soo xulo golaha Baarlamaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigi beesha caalamka ee uu hogaaminayey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa kulamada uu la qaatay Madaxda Puntland waxaa uu ku amaanay amniga iyo isku duubnida dowladda iyo shacabka Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net