Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliy oo tegay degmada Hobyo
February 8, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka safar aan horay loo shaacin ku tegay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey degmada Hobyo madaxweynaha Gal-Mudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Gal-Mudug.
Socdaalka wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ku soo beegmay xli maalin ka hor uu gaaray degmada Hobyo Madaxweynaha Gal-mudug isagoo sheegay in maamul loo samaynayo degmada Hobyo si loo sugo amaanka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay wada xaajod galaan Gal-Mudug iyo maamulka Gobolladda dhexe ee xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net