Weerar Caawa fiidkii lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho

February 26, 2016 - Written by Editor

SYLMuqdisho:-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar caawa fiidkii lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho waxaana weerarka uu ahaa weerar ismiidaamin ah waxaana xigay dagaaal toos ah oo dhexmaray ilaalada Hotelka iyo kooxda soo weerartay .

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Beerta Nabadda ee Hotelka SYL halkaasoo ah goob lagu nasto oo ay dad badan oo rayid ah ku sugnaayeen .Saraakiisha Ammaanka ee NISA ayaa sheegay inay dileen afar dhalinyaro ah oo rabay in ay xoog ku galaan Hotelka SYL .

Dhaawacyo fara badan ayaa la geeyay Isbitaalka Daaru-shifaa ee magalada Muqdisho kuwaas oo ku dhaawacmay weerarka lagu qaaady Beerta-Nabadda  ee Hotelka SYL .

Gaadiidka Gurmadka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho .

Al-Shabaab ayaa goor dhow soo dhigay Barta Twitterka, iyagoo sheegtay inay ka mas’uul yihiin weerarka Hotelka SYL.

Wixii Faahfaahin ah dib baan idinkaga soo gudbin doonaa Inshalaaah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
29  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online