Golaha Wasiirada Puntland oo kulan degdeg ah ka yeeshay Abaaraha (Masawiro)

November 23, 2016 - Written by Editor

img_1319Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 November, 2016 waxa uu shir aan caadi ahayn isugu yeeray golaha wasiirada Dawladda Puntland, waxaana shirkaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada looga arrinsaday xaaladaha abaareed ee ka jirta Puntland iyo sidii qorshe deg deg ah looga yeelan lahaa gurmad loo fidiyo dadka ay abaartu saameeyeen.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne ku Xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Puntland isagoo golaha uga warbixiyay xaaladaha abaareed ee ka jira Puntland.

Xubnaha golaha wasiirada Dawladda Puntland ayaa dhankooda dood adag ka yeeshay sidii loo heli lahaa qorshayaal loogu gurmanayo dadka iyo xoolaha nool ee ay abaaruhu dhibaatada u geysteen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Dawladdu ay fidinayso gurmad deg deg ah maadaama ay abaartu daba dheeraatay loona baahan yahay in si dhakhso ah loogu gurmadu dadka ay abaaruhu sameeyeen,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu magcaabay guddiyo kala duwan oo ka shaqayn doona qorshayaasha ay Dawladdu u dejisay in loogu gurmado dadka ay abaartu saamaysay, guddiyadaas oo si deg deg ah ugu howl gali doona gurmadka abaaraha.

no images were found

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa caddeeyey in waqtigan la joogo aysan daawan karin dhibaatada ay abaartu ku hayso dadka iyo duunyada balse Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay isku tashanayaan si deg deg ahna ay ugu gurman doonaan dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

no images were found



–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online