Khudbadii Jimcaha Garoowe Sh Maxamud Xaji Yusuf Iyo Sh C/raxman Bindiiriye.[Dhagayso]
November 19, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Culimada ku nool magaalada Garowe ayaa Khudbadihii Jimcaha ee ka baxayey masaajidda ku yaal Garoowe intooda badan waxay kaga hadleen Xaaladaha taagan oo ay ugu weyn tahay Abaaraha waxayna bulshada ugu baaqeen in loo gurmado dadka ay abaaruhu halakeyeen laysna garab istaago qof walba awoodiisa.
Sh.Maxamud Xaaji Yusuf ayaa aad uga hadlay Khatarta Tv-dda iyo warbaahinta oo duulaan ku ah akhlaaqda suuban ee Islaamka TV-dda soo daaya Filimaan iyo baraamij lagu burburinay qoysaska Muslimiinta ah arrinkaas oo aafo xun ku reebay dhalinyarada aysana ku baraarug sanayn waaliidnta.
Sh.Maxamuud Xaaji Yusuf ayaa waxaa kale uu ka hadlay aafada Mobilka oo uu sheekhu sheegay in ay meel xun gaartay oo dhalnyaradu iyo dad waaweynba ay u sticmaalaan waxyaabo Islaamku reebay oo xaaraan ah.
Sidoo kale Sheekh C/raxmaan Macalim Ibraahim (Bindiiriye) ayaa isna Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Xaaji Cali waxa uu uga hadlay xaalada abaaraha iyo sidda ay u haboon tahay in bulshada islaamka ay maantay wada noqdaan Samafalayaal Iyo Deeq Bixiyaal waana halka looga baahan yahay.
Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee uu akhriyey Masjidka Xaaji Cali ee Garoowe Sh C/raxmaan Macalim Ibraahim
[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2016/11/bindiiriye.mp3]Hoos ka Dhagayso Tacliiqii Khudbadii Jimce ee uu akhriyey Masjidka Xaaji Cali ee Garoowe Sh.Maxamuud Xaaji
[audio: http://www.alminhaaj.com/minhaaj/wp-content/uploads/2016/11/Sh-Maxamud.mp3]Mu’assadda Al-Minhaaj
Garoowe,Halgan.net