Madaxweynaha DFS oo war ka soo saaray Doorashooyinka Aqalka Hoose

November 24, 2016 - Written by Editor

xasan16Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Shacabka oo si habsami leh uga socda caasimadaha dowlad gobolleedyada dalka, dhowaanna ka bilaaban doona magaalada Muqdisho

“Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaan ku ammaanayaa sida hufnaanta leh oo ay u maamulayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda. Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay kalsooni buuxda ku qabaan guddiyadda madaxa-bannaan, waxaana ku dhiirra-gelineynaa inay sii labalaabaan dedaalkooda ku aadan howlaha loo igmaday oo ay si habsami leh doorashooyinka ugu soo gabagbeeyaan waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha iyo Guddiyadda doorahsooyinka dadban inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%). Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka ee Gobollada Woqooyi ee loo qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacaan iyada oo la ilaalinayo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey lagana fogaanayo wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Doorashooyinka ka dhacaya dalka waa guulo weyn oo ay Soomaaliya gaartay oo tusaale u noqon doonta adduunka iyo taariikh cusub marka loo eego wadamada dagaalka ka soo kabsaday sida Soomaaliya oo kale.” Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey, Beesha Caalamka, dowlad Gobolleedyada dalka ka jira iyo shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan qabsoomida doorashooyinka Dadban ee 2016.

–Dhammaad….

Leave a comment

*

Archives
November 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online