Ciidanka Badda Puntland oo hareereeyey Markab afduub loogu heysto deegaanka Xaabo
March 16, 2017 - Written by EditorCaluula:-Warar ka imaanaya deegaanka Xaabo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan Puntland gaar ahaan kuwa Bada ee PMPF-ta ay gaareen halkaas iyagoo oo hareereeyey Markab afduub loogu heysto deegaanka Xaabo oo wata Calanka dowlada Sri Lanka.
Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali Shire Maxamud, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan Puntland iyo kooxo heysta Markabka heysta ay dhexmartay is-rasaasayn sababatay khasaaro kala duwan.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay Khaasaraha ka dhashay is rasaaseynta dhexmartay ciidamada PMPF-ta iyo kooxda heysta Markabka Aris waxaa la sheegayaa in hal askari uu gaaray dhaawac fudud.
Dhinaca kooxda heysta Markabka Aris ayaa wax war ah laga heyn waxa gaaray waxaana socda wadahadalo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Xaabo ee gobalka Bari si loo dhameeyo Afduubka lagu heysto Marrkabka Aris oo ay saaran yihiin shaqaale dhan 8.
M_M Deeq
Halgan.net