Dhakhaatiirta Cusbitaalka Manhal iyo Ururka Xirfadlayaasha Caafimaad ee Manhal iyo HPA oo gargaar gaarsiiyey deegaanak Dhuxun[Masawiro/Video]
March 22, 2017 - Written by EditorLaascaanood:-Iyadoo ay marayso xaalada abaareed ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya oo idili ayaa waxaa ay dadku qaarkood ka sugayey Naxariistii Alle , Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa is daldalay ama is dilay dad badan oo dhamaantood u adkaysan waayey Imtixaanka Alle.
Deegaanka Dhuxun oo Laascanood kaga began dhanka Waqooyiga ilaa 10 Km , ayaa waxaa ay ka mid ahayd meelaha ay sidda weyn u taabatay abaartu , Waxaa ku nool dad ay ka dhamaadeen dhamaan wixii ay haysteen ee xoolo ah marka laga reebo wax xoogaa xayiisha.
no images were found
Dhakhaatiirta Cusbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay waheliyaan ururka xirfadlayaasha Caafimaadka ee HPA ayaa waxaa ay deegaankaa gaadhsiiyeen daawooyin iyo gurmad caafimaad oo ay sameeyeen dadka deegaankaasi , Waxaana Hogaaminyaye Gudoomiyaha guud ee Cusbitaalk Manhal Dr Maxamed Ismaaciil Shiine.
Hoos ka Daawo gargaarka Dhakhaatiirta Manhal iyo HPAee deegaanak Dhuxun
Mawliid Ismail Haradigeed
Laascaanood, Halgan.net