Dufcadii 8aad oo ka tirsan Ciidanka Badda Puntland oo Tababar loogu soo xiray Bosaaso[Video]
March 3, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa tababar socday mudon 5 bilooad ah waxaa loogu soo gabagabeeeyey Xarunta Ciidanka ee Badda [PMPF] waxaan ciidanka tababatka loo soo xiray ay noqonayaan dufcadii 8aad oo qaatay tababaro kale duwan iyo xerfado ciidan oo sareeya.
Ciidanka Badda Puntland ee loo soo xiray tababarka ayaa waxaa ay gaarayeen ilaa 311 askari waxaan tababarkooda maalgeliyey dowladda Imaaratka Carabta waxaan xafladii lagu soo xiray tababarka ciidankaan ka soo qayb galay masuuliyin sare oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Bari , Yusuf Maxamed Wacays Dhado,Taliyaha Ciidan Badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo isagu mahad balaadhan u jeediyey dowladda Imaaratka Carabta oo Puntland ka taageertay tababarka ciidanka Badda Puntland waxaan uu ciidanka ku booriyeyy in ay ka soo baxaan howlaha loo igmaday ooo ah sugudi amniga iyo ilaalinta xeebaha Puntland oo la daalaa dhacaaya Maraakiib Jiriif sharci daro ah.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo munaasabada lagu soo xirayey tababarka ciidanka ka hadlay ayaa waxaa uu kula dardaarmay in ay u diyaar garoobaan ciidamada in ay gutaan waajibkooda ayna bulshada ugu adeegaan tababarka wanaagsan ee ay soo qaateen.
Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa la gudoonsiiyey ciidamo gaaray 15 askari abaalmanino ay ku mutaysteen sidda wanaagsan oo ay uga soo baxeen howsha inta uu tababarku u socday.
Hoos ka Daawo Ciidanka Badda Puntland [PMPF]ee loo soo xiray tababarka
M_M_Deeq
Halgan.net