Galmudug oo Qabatay Baabuur Qaraxyo ka Buuxaan (Dhageyso)
March 20, 2017 - Written by EditorCiidamada Nabad sugidda Somalia iyo kuwa amaanka ee Galmudug ayaa duleedka magaalada Cadaado ku qabtay laba dhalinyaro ah oo watay baabur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Guddoomiyaha baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casar ayaa sheegay in baabuurka ay qaraxyada ka buuxeen la doonayo in lagu fuliyo qaraxyo ka dhan ah dadka shacabka.
Faahfaahinta warkan waxaa inoo haya wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macalin Isaaq
VOA Somalia
Halgan.net