Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo helay codka Kalsoonida Baarlamaanka
March 29, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay golihii wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul wasaarah DFS Xassan Cali Kheyre. Shirka Golaha Baarlamaanka dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadireen 242 Xildhibaan waxaan si gacan taag ah cod aqlabiyad ah u ansixiyey 224 halka 15 Xildhibaan oo kaliya ay diideen 2 Xildhibaana ay ka aamuseen.
Gabagabadii kulanka Golaha Baarlamaanka dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa waxaa natiijada si rasmi ah ugu dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka Barlaamanka JFS Cabdiweli Ibrahim Cali Sheikh (Muudey) waxaan kulanka ka maqnaa oo aan soo xaadirin Fudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Jawaari.
Dhinac kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla goobta waxaa uu ku dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha JFS Xassan Cali Kheyre ayaa dhaarinta Golahiisa xukuumada waxaa uu mahad u jeediyey Golaha Baarlamaanka sida wanaagsan oo ay codka kalsoonida u siiyey xukuumada uu soo magacaabay.
A/cawaale
Halgan.net