Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha Puntland oo biyo qaybin ka sameeyay Gobolka Mudug Iyo Nugaal[Masawiro/Video]
March 27, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Gudiga oo ka koobnaa Afar Kooxood waxay biyo gaar siiyeen dhamaan Degmooyinka /Tuulooyinka/Baraha ay soo wada dageen dadkii cayroobay ee ka wada tirsan Gobolka Mudug Iyo Nugaal . Kooxahaan oo Dhamaantood ka ambabaxay Garowe ayaa u kala jihaystay Mudug Iyo Nugaal waxayna isku qaybiyeen sidatan:-
Dhulka loo yaqaan Caduunka ee Dhaca Koonfurta Mudug Waxaa Hogaaminayay Sh Aadam Maxamed Cigaal Iyo Gudomiyaha Minhaaj Mudug Cawil Muumin . Dhulka loo yaqaan Ciidka ee Dhaca Waqooyiga Mudug Waxaa Hogaaminayay Sh Suldaan Cabdiqani Qorane Iyo Sh Faarax Cajab Iyo Nuur Jaamac Aadan .
no images were found
Dhanka Gobolka Nugaal gaar ahaan dhanka Iyaxda Waxaa Hogaaminayay Sh Yaasinn C/llahi Iyo Maxamed Xamari
Dhanka Caduunka Iyo Hoydka ee Dhaca Koonfufta Nugaal Waxaa Hogaaminayay C/Kariin Muuse dhamaan Dhulka biyaha La gaarsiiyay oo iskugu jiray Degmooyin /Tuulooyin Iyo Deegaano Cusub oo ay soo dageen dadka ku cayroobay Abaarta waxay gaarayaan ilaa 96 Goobood Biyaha la gaarsiiyayna waxay gaarayaan ilaa 1000 Booyadood.
Ugu danbayntii Culimadu waxyaabihii Ay layaabeen waxaa ka mid ahaa:-
1. Rag Iyo geel nafaqo daro La’indho beelay.
2. Deegaano halis ugu jira in ay U dhintaan Oo ka dib markii Bacaad xiray wadadii wax loo mari kiray iyo
arrimo kale oo badan kuwaas oo aadan marna suuraysan karin.
Hoos ka Daawo Gudiga Culimada ee Gurmadka Abaaraha Puntland oo Biyo qaybin ka sameeyay Deeganada ka tirsan Gobolka Mudug Iyo Nugaal.
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahinta Al-Minhaaj Puntland