Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti ka Socdey Bangiga Aduunka (World Bank ).

March 28, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 March 2017 Xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay wefti ka socdey Bangiga Aduunka. Madaxweynaha yaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland.

Kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftigan ayaa waxaa lagaga arrinsanayey mashuuca hab Maamulka Xisaabaadka Dawladda Puntland Public Financial Management (PFM) iyo Daafurka Mashruucaasi.

Mashruuca hab maamulka xisaabadka Dawladda Puntland ayaa waxaa lagaga gudbi doonaa habkii hore loo isticmaali jirey kaas oo lagu bedeli doono hab casri ah oo la adeegsan doono qaab electronic ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka dhegaystey warbixino ku saabsan faa’iidada isticmaalka barnaamij kani weftiga ka socdey Bangiga Aduunka ayaa waxa uu ku amaanay qaabka wanaagsan ee ay u wadaan barnaamij kani, kaas oo waxbadan ka bedelidoona qaab xisaabeedka wasaarada Maaliyada dawladda Puntland.

no images were found

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa shaagay in barnaamijka hab maamulka xisaabaadka Dawladda Puntland (PFM) uu fududayn doono dejinta miisaanida Puntland, wax weyna ka tari doono la socoshada kharashka ka baxay dawladda iyo kharashaadka dawladda u soo xerooday.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey hawl wadeenada wasaarada maaliyada Puntland inay muhimad gaara siyaan mashruucani kana faa’iidaystaan, si mustaqbalka ay si fudud uga midha dhaliyaan hiigsiga qorshaha mustaqbalka dhow iyo kan fogba ee wasaarada maaliyada dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online