Madaxweynaha JFS iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ku kulmay Muqdisho (Masawiro)
March 18, 2017 - Written by EditorGudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaaa uu kulan la qaatay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay ka wada hadleen arrimaha abaaraha iyo doorka Midowga Afrika ay ka qaadan karto u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
no images were found
Ujeedka Socdaalka Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa la xiriiraa abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalka ciidanka AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net