Puntland Oo Duleedka Gaalkacyo ku Qabatay Gaari siday Walxaha Qarxa (Masawiro)
March 3, 2017 - Written by EditorGaalkacyo:-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee gobalka Mudug ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa kaas oo u kala gooshi jiray magaalada B/weyne iyo Boosaaso.
Taliska ciidamada ammaanka ah ee Puntland ayaa war ka soo saaray gaari walxaha qarxa siday oo lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo.Taliska ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waxay sheegeen baaris kadib in la ogaaday in gaarigaasi waday walxaha qarxa la doonayay in lagu qarxiyo shacabka Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Gaarigan siday walxaha qarxa ayaa nuuciisa waxa uu ahaa nuuca Soomaalida ay u taqaano (Candha-meedlaha) waxaana lagu qabtay duleedka magaalada Gaalkacyo waxaa sidoo kale gacanta lagu hayaa darawalkii waday gaariga.
no images were found
Ciidanka PISta Puntland ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen Agabkii uu siday gaarigii Candha-meedlaha waxaana uu siday Hubka iyo Dareeska Ciidamada,iyo biro badan oo qaraxa laga daro.
M_M Deeq
Boosaaso