Qarax geystay Khasaaro kala duwan oo ka dhacay Degmada Luuq ee gobalka Gedo.
March 8, 2017 - Written by EditorGedo:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in goor dhow Qarax uu ka dhacay gudaha Degmada Luuq waxaana qaraxa lala eegtay Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cismaan waxaana soo gaaray dhaawac.
Qaraxa lala eegtay Gudoomiyaha Degmada Luuq ayaa sheegaya in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu Aaso waxaana lala eegtay Gaari uu watay Guddoomiyaha, sida ay sheegaayaan dad goobjoog ah .
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada Guddoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa 4 ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha.Afarta Askari ee dhaawacmantay ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka guud ee Degmada Luuq.
Saraakiisha ciidanka JFS ee Gobolka Gedo, ayaa waxa ay masuuliyadda Qaraxan ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab ee dilalka iyo qaraxyada ka fulisa Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net