Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Xeryo Qaxooti oo ku yaal Duleedka Muqdisho.[Masawiro]

March 28, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar waliba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay gacan siin doonto, isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan cid walba oo awooda in la caawiyo dadkan dhiban.

“Maanta waxaan halkan u nimid in dareenkeena aan la wadaagno walaalaheena soo barakacay ee dhulkii ay daganaayeen ku dhufatay abaartu, waxaan ku jirnaa xili adag oo u baahanahay dhammaanteen in gurmadka aan ka qeyb qaadano haddii ay tahay Xukuumadda iyo golleyaasha kale ee Baarlamaanka. Waxaa ilaa iyo maalintii aan dirnay baaqa na soo gaaray gurmad fara badan, laakiin waxaan xaqiijinayaa gurmadka na soo gaaray iyo dhibaatada jirta in ay aad u kala badan yihiin” ayuu yiri R/Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey goobaha ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah iyo meela cuntada loogu kariyo, wuxuuna uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka dhiban.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in dhowr goobood oo kala duwan loo diyaariyey dadka soo barakacay isla markaana Maamulku uu diyaar u yahay kaalinta uga aadan gurmadka walaalaha Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
March 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online