Waxgaradka gobolka Nugaal oo Ka Hadlay ammaanka magaalada Garoowe (Dhageyso)
March 11, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Garoowe ayaa maanta Shir jaraa,iid oo ay ku qabteen magaalada Garoowe waxay si adag uga hadleen xaalada amniga iyo ciidanka gadoodsan ee baryahaan sheegayey in mushaaro ka maqan tahay.
Odayaasha iyo waxgaradka gobalka Nugaal ayaa diiday talaabada ay qaadeen qaar ka mid ah ciidamada Daraawiista iyo saraakiishooda oo tiro yar ah kuwaas sheegay in xuquuq badan ay kaga maqan tahay xukuumada Madaxweyne Gaas xili wasiirka maaliyada Puntland uu si adag u diiday eedeyntaas.
Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa ugu baaqay dadweynaha iyo waxgaradka gobalka Nugaal in ay ka shaqeeyaan amaanka magaalada Garoowe meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo khal khal galinaysa Amniga Caasimada iyo guud ahaan deegaanada Puntland.
Ugu danbeyntii ayaa odayaasha waxay ka digeen in ciidamada Puntland qaab qabiil loo kala sooco waxay xukuumada ugu baaqeen in ay xaliso dhibka ay sheeganayaan qaar ka mid ah ciidamada.
Hoos ka Dhageyso Shir jaraa,iid oo ay ku qabteen magaalada Garoowe Waxgaradka gobolka Nugaal
M_M Deeq
Halgan.net