Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Puntland oo lagu dhaawacay Gaalkacyo.
March 8, 2017 - Written by EditorXildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa goor dhow Qarax lagula eegtay gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaana qaraxa loogu xiray gaarigii uu watay.
Xildhibaanka dhaawacmay ayaa waxaa la yiraahdaa C/qaadir Faarax Bootaan.Dhaawac xildhibaanka ayaa la soo sheegayaa in uu yahay mid culus waxaana loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.
no images were found
Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ay Puntland ku jabisay dagaalka tooska ah ayaa waxay bilaabeen dilal iyo qaraxyo aargoosi ah oo ay la beegsanayaan masuuliinta iyo saraakiisha ciidanka Puntland.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net