Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal guud iyo Agaasimayaal waaxeedo

April 2, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray degreeto xeer Madaxweyne Lr.44 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabid Agaasime Guud, Kuxigeen Agaasime Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo Markuu latashaday: Wasiirka Amniga. Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Maxamed Faarax Ashkir loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Waxaa Cabdikariin Maxamed Faarax loo magcaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Waxaa Haashim Axmed Cabaas loo magcaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Waxaa Cabdinaasi Yuusuf Xaaji Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Dawladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

–DHAMMAAD—
XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online