Ciidamada Puntland oo ku qabtay gobalka Sanaag xubno ka tirsan Kooxda Daacish

July 24, 2017 - Written by Editor

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 10 qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish waxaana laga qabtay xubnahaas degaanka Cawsane ee gobolka Sanaag .

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee aaga Cawsane ee gobalka Sanaag ayaa sheegay in dadkaasi ay ka yimaadeen magaalada Burco gaar ahaan deegaanka Beer ,islamarkaana ay ka tirsan yihiin Daacish kuna sii jeedeen Buuraha Calmadow .

Fu’aad Warsame Xanaano oo ah taliye ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan Sanaag ayaa sheegay in xubnaha la qabtay ay saarnaayeen gaari Saaruf ah wuxuuna sheegay in ay u soo gudbiyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Dadka ku dhaqan Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa war galiyey ciidamada amaanka ka dib markii ay ka shakiyeen 10 qof ee saarnaa gaariga saaruf ah waxayna kala yihiin 8 raga iyo 2 dumara .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online