Haweenay Kiristan ah oo Kiniisad ka furtay Hargeisa! (Horn Cable TV Daawo)
July 29, 2017 - Written by EditorMagaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland waxaa lagu qabtay kulan ay kasoo qeyb galeen tiro Ajaanib ah iyo sidoo kale arday iyo aqoonyahano Soomaali ah waxaana looga hadlay qaabka loo sameyn karo mutadawacnimada iyo Hormarka caalamiga.
Ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadashay Mariane Vecchione oo ah Haweeney ka mid ah ajaanibta ka shaqeysa magaalada Hargeysa waxayna sheegtay in maamulka Somaaliland ay kala hadleen furitaanka Kaniisad Kaatoolig ah oo ay isticmaali doonaan dadka gaalada ah ee aaminsan Kirishtanka ah ee ku sugan magaalada Hargaysa.
Mrs Mariane Vecchione ayaa tiri ”Asalkeeygi hore waxaan Somaliland u imid howl mutadawacnimo ah waxayna ahayd dib furista Kaniisada Kaatooliga oo aan dib uga furnay Hargaysa taasoo xirnayd Sodonki sano ee la soo dhaafay” waxayna ku faantay in Sland u ogalatay furida Kaniisada .
Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ku soo badanaya dadka ajaanibta ah kuwaasoo ku imaanaya qaabab kala duwan hayana howlo kala duwan waxaana qaarkood lagu eedeeyey in ay faafiyaan Gaalnimo.
Hoos ka Daawo Mariane Vecchione oo ka hadleysa Kaniisad laga furay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka S/land.
Wasiirka Arimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulka S/land ayaa ka hadlay Kaniisada laga furay Hargeysa wuxuuna sheegay in si qaldan wax loogu faafiyey baraha Bulshada isaga oo sheegay in ay dib saxaafada ugu faahfaahin doonaan Kaniisada laga furay Hargeysa.
M_M Deeq
Halgan.net