Madaxweynaha Puntland oo aqbalay go,aanka baarlamanku ku kala direy Golaha Wasiirada (Dhageyso)
July 18, 2017 - Written by EditorMadaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” ayaa aqbalay go,aankii maanta baarlamanka Puntland ku kala direy golllaha xukuumada ee Puntland , wuxuuna sheegay in go,aanka baarlamaanka uu yahay mid dustuuriya .
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu soo dhsi doono gola Wasiiro wuxuuna sheegay in uu la tashan doono madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuuna baaq u diray shacabka isaga oo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka Puntland .
Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay ka dhacdo Puntland in baarlamankeedu kala diro Gollaha Xukuumadda waxaana golaha wasiirada lagu dhaliilay in ay wax ka qaban waayeen howlihii loo idmada gaar ahaan amaanka iyo bixin mushaarooyinka.
Hoos ka Dhageyso shirka jaraa,id ee Madaxweyne Gaas uu ku qabtay madaxtooyada Puntland ee Garoowe
M_M Deeq
Halgan.net