Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay Guddiga Dhismaha Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.[Masawiro]

July 27, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 July 2017 kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Garoowe guddiga dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo. Kulankani ayaa waxa ay guddigu Madaxweynaha uga xog-bixiyeen xogo ku saabsan meesha ay marayso shaqadda dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu.

Xubnaha Giddiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ee Madaxweynaha layeeshay kulanka ayaa waxa ay Madaxweynaha u cadeeyeen inay waddada dhismaheedu marayo magaalada Middigale oo Ceeldaahir u jirta 50km, taas oo micnaheedu yahay in waddada la dhamaystiray intii ugu adkayd dhulka, una baahnayd khibrad iyo dedaal dheeraadda.

Sidoo kale Gudddiga ayaa waxa ay Madaxweynaha Dawladda Puntland faah-faahin kasiiyeen qaabka loo waajihi doono dhismaha waddada wejiga labaad ee daamurka iyo jayga, iyagoona sheegay in waddada loo dhisidoona si casriya oo la midda kuwa ay hirgashadaan waddamada horumaray, sidoo kale gudiga ayaa cadeeye inay qaadan doonaa 11 Engineer oo dhalinyaro muwaadiniin ah.

Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in waddada balaceedu ahaan doono ”9m” taasi oo u jeedkeedu yahay in labada gaadhi ee waddada isku dhaafayaa u dhexeeyso masaafo kufilan, tayo ahaan iyo qorshe ahaanba dhismaha waddadu waa mid ka fajacin doonta shacabka Soomaaliyeed iyo indhaha beesha caalamkaba, waxaana ay guddigu Madaxweynaha uga Mahad celiyeen fekerka saliimka ah ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo uu isagu iskalahaa muhandiska iyo fekredda dhismaha waddadaasi.

Madaxweynaah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa guddiga ku amaanay shaqadda wanaagsan ee ay ka qabteen hirgelinta waddadaasi iyo sida micnaha leh ee ay uga soo baxeen dardaarankii shacabka ay u hayaan shaqadani, sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in shaqaalaha waddadani yihiin kuwo xirfad u leh shaqadda ay qabanayaan, isla markaana waxa uu wax lagu farxo ku timaamay Madaxweynuhu taladda ay guddigu qaateen ee ah in ay shaqaalaysiiyaan dhalinyaro muwaadiniin ah, taasina ay dhiiri gelinayso dhalinta Soomaaliyeed ee dalkooda wax u soo bartay.

Ugu danabaytii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waddada qalabka lagu dhisayaa yahay kuwo tayo leh dhaxalna unoqon doona qorshayaasha mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ee Dawladda Puntland, sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in wadda kharashka lagu dhisayo uu ku yimid iskaa shiga shacabka iyo dawladda Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”, isla markaana aanay wax gacan ah kulahayn cid ka baxsan intaasi, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in dhismaha waddada loo gudbi doono dhowaan wejigii labaad.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online