Ra’iisul Wasaare Khayre “Yeddediillo ayey na gelineysaa horumarka dhanka amniga ah ee aad ka sameyseen caasimadda”[Masawiro]

July 24, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa galabta kormeer shaqo ku tagey qaar kamid ah xarumaha ciidamada Dawladda ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka hore tegay xaruntii hore xisbiga ee ka mid ah xarumaha ay deggan yihiin Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha isla-markaana halkaasi kula hadlay ciidamadda.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahad-celiyey Ciidamadda Xasilinta caasimadda horumarka dhanka amniga ah ee ay caasimadda ka sameeyeen mudada yar ee ay howl-gallada wadaan. “Anaga iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaa idin kaga mahadcelinaynaa howlgallada aad fuliseen oo ay cadowga ee kaaga hortagteen falalka cadowgu damacsanaayeen. Dadalkiina dad Soomaaliyeed ayaa ku badbaaday waxana idinku ammaanayaa idinkooda ku shaqeeya duruufo adag sida sharafta leh ee dalkiina iyo qarankiina ugu adeegteen.

“Yeddediillo ayey na gelineysaa horumarka dhanka amniga ah ee aad ka sameeyseen caasimadda tan markii qorshaha xasilinta caasimada ay dejisay xukuumadda, waxaan dooneynaa inaad sii laba-laabtaan dedaaladiina ku aadan nabadeynta Muqdisho, dawladdana waxay kordhin doontaa wax walba oo awooddeeda ah si loo yareeyo daruufaha aad ku shaqeyneysaan”. Ayuuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ciidamadda xasilinta caasimadda ee uu maanta booqday in ay xoojiyaan xirriirka shacabka si ay ugu sahlanaato ka hortagga falalka guracan ee kooxaha nabad-diidka.

“Shacabka waa inaad u nug lahaataan ulana dhaqantaan si dabacsan oo ixtiraam leh xiliyada aad ku jirtaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ee ku dhumaaleysanaya bulshada dhaxdeeda si ay u sahlanaato wada shaqeynta aad la leedihiin Shacabka”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

no images were found

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo koormeerkiisa shaqo ee maanta ku tagey xarunta Villa Baydhabo ayaa indha-indheeyey qaar ka mid ah xafiisyada hoggaamada Ciidamada Xoogga Dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xirfada, aqlaaqda iyo xuquuqda ay leeyihiin ciidamada.

Ugh dambeeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Saraakiisha Ciidamada Xoogga in qorshaha isla xisaabtanka xukuumadda ee lagula dagaallamayo musuqmuusaqa loo daadijiyo sarkaal ilaa askariga dablaha ah si loo hubiyo in askarta si hufnaan leh u helaan xuquuqdooda iyo garaam bileedka dawladda ay ku bixiso ciidamadda Xoogga Dalka. Waxana kormeerka R/Wasaaraha ku weheliyey Wasiirrro ka tirsan Xukuumadda.

DHAMMAAD
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online