Sanad Guuraddii 57kii Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed W/QAbdulkadir Ali Bolay
July 2, 2017 - Written by EditorWaxaa maanta ii faraxad iyo reyn reyn ii ah in halkani hambalyo iyo boogaadin ba iyo salaam kal iyo laab ah uga soo gudbiyo shacabka soomaaliyeed iyo dhamaan inta ku hadasha afka soomaaliyeed ee ku nool shanta qaaradood ee adduunka. Sida la wada ogsoon yahay maanta oo ah 57 guuraddii qaranimadda soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur ahna maalinta israaca labada gobol. Waxaa xusid mudan maanta oo ah maalin weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido shacabka soomaalyeed,waa maalin duco iyo abaal ba muddan, waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay, runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin , in kastoo ay jiraan kala go’ baaxad weyn oo dhabar jab ku ah himilooyinkii ummadda soomaaliyeed oo ahaa Bansomalism. Waxaan ilaahay ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naf iyo maal ba u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysano inuu Eebbe u naxriista oo jannadiisa fardoosa ahayd na ka waraabiyo , inta nool na waxaanu Ilaahay ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo .
Runtii dad fara badan baa u soo halgamay oo naftoodda qaaliga ah u soo huray xornimadda oo aan maanta haysano iyo calanka sharafta leh oo muujinaya haybadda iyo sharafta qaranimo ee dalka iyo dadka soomaaliyeed u leeyahay, waxaa dhab ah in xornimadda ay ku timid dhiigii shacabka soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray {Gobanimaddu waa geed ku baxa dhiiga dadweynaha}. Gobanimaddu waxaa lagu keenay halgan wada jira iyo midnimo wadaniyad xambaarsan , waxaa nasiib daro iyo muruga ba ku ah shacabka soomaaliyeed in mirihii gobanimadoonka ay ku burburaan gacan soomaaliyeed oo nabad diid ah.
Waxaa maanta muuqta ifafaalo weyn oo ah in dib looga soo kasanaayo dhibaatooyinkii laga soo maray dalkii sokeeye ee qabiliga ahaa waxaan shacabka soomaaliyeed wuxuu gaaray biseel xaga siyaasadda iyo arrimaha bulshadda taasi waxay tusaale cad u tahay doorashaddii ugu dambeysi oo si xalaal ah lagu soo doortay madaxaynaha cusub muddane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku timid rabitaan shacab. Waxaan maamulka cusub uu hogaamiyaayo madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Khayre in ay ka shaqeeyaan sidii dib u heshiisiin dhan loo gaari lahaa waxaa na kula dardaarmi lahaa in guddi farsamo oo waxgarad ah oo xulo si looga baxo colaada iyo kala go’a ummadda soomaaliyeed midnimadda waa arrin muhiim ah oo ku dhisan haybadda qaranimada soomaaliyeed “Midniadda waa awood iyo sharaf kala tagu na waa burbur iyo dulinimo” sidaasi darteed xukuumadu waa in ay awoodeedda oo idil ay isku geeyso sidii loo heli lahaa dib u heshiisiin dhab oo looga baxo shakiga kala dhaxgalay shacabka walaalaha ah haddii aad ku guuleysataan waxaa idin xusi doontaa taariikhda sida maanta ba loo xuso dhallinyaraddii xornimadda keenay
Haddii aan si kooban u xuso June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur ahna maalinta israaca labada gobol, waxaa maanta xusid mudan maanta oo ah sannad guuradii 57aad ee xornimada soomaaliya iyo mideynta labada gobol waqooyi iyo koonfur, waa maalin weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido ummadda soomaalyeed, waa maalin xusid mudan runtii waa maalin aan la ilaabi karin, waa maalintii calankeyna la taagay waana maalinta gunnimadda aynu ka baxnay.
Sidaasi darteed waxaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool guddaha iyo dibadda ba ku boorinayaa in ay xusaan meel kasta oo ay joogaan, maxaa yeelay caruurta maanta ku dhallatay dibaddaha ama ku soo barbaaray fikrada kama haystaan qiimaha weyn ee ay maalintaani ku fadhido waa arrin muhiim ah oo loo baahan yahay in lagu baraarugo.
1da Luuliyo waa maalin xusuus weyn ku leh dhamaan ummadda soomaaliyeed runtii xornimadda ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan culus ayaa loo soo galay runtii dad badan ayaa dhiigooda u soo huray sidaasi darteed waxay naga mudan yihiin dadkii naftooda u soo huray in aan xusno una duceyno, xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu haysano.
Shacabka reer waqooyi waxay go’aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeyn in soomaaliya u mideeyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u jeediyeen ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in soomaali mideysan la helo oo ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka kooban soomaali weyn, qoraalkii Uurdoox u gudbiyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed
Haddii aan si kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi karin qoraalkani balse waxaan jaclahay in aan wax yar ka xus :-
a). bishii September 1949kii United Nation ka shirweynii ay yeesheen waxay go’aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeed Dawladda Talyaaniga, iyadoo 4tii dawladoodoo ah kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka in muddo 10 sano ah la gaarsiiyo xornimo .
b). Bishi April 1da Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.
c). 12KII oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo calan,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah, taasoo micno weyn ku fadhiday , macnaheeduna yahay shanta SOOMAALIYEED oo 1884tii shirweynihii Berlin lagu qaybsaday soomaaliya .
d). 1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.
kh). 29kii April 1957dii WAXA LA QABTAY DOORASHOOYIONKII siyasadda lagana soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamayeyt , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan .
e). 7dii Maajo 1957dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra’iisal wasaare iyo 5 wasiir
f). 1959kii CABDULAHI CIISE uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo 10 wasiir .
g). 12 April 1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa’uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo “.
h). 1da Luuliyo 1960kii oo ahayd maalintii xurnimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .
Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra’iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke .
Sannadkii 1964tii waxaa na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein .
Bishii June 1967dii waxaa madaxweyne loo doortay Muddane Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra’iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad .
Nasiib daro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Dr. Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi .
Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka (Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed) oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare.
Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party).
Dawladdii dhexe waxay burburtay 26kii Janaayo 1991kii, dalka na uu galay dagaal sokeeyo oo lagu hoobtay ilaa iyo maanta weli la la’yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta, waa musiibo ku habsatay ummadda soomaaliyeed oo sumcad iyo haybad ba ku lahayn jiray adduunka hase yeeshee maanta ay ku dacdareesan yihiin guddaha iyo dibadda ba.
Waxaan mar labaad halkaani hambalyo u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunyadda ka joogaan, waxaana u rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo , waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii ay lahaayeen shacabka soomaaliyeed, sannadkaani sanadka xiga waxaan ilaahay ka baryeenaa inuu nagu gaarsiyo cimri dheer oo caafimaad leh.
Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com