Madaxweynaha Puntland ka hadlay mowqifka Puntland ka istaagtay Xiisada Khaliijka (Dhageyso)
August 17, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada khaliijka iyo go’aankii ay ka qaateen Maamulka Puntland oo taageeray Isbahaysiga uu hurmuudka u tahay dowlada Sacuudiga .
Madaxweyne C/wali Gaas oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in danaha Istiraatiijiyadeed ee Puntland kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ku qasbay inay taageeraan Isbahaysiga uu hurmuudka u tahay dowlada Sacuudiga.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wareegtada ay soo saareen ay tahay talo ay u jeedinayaan DFS oo dhexdhexaad ka noqotay arimaha ka aloosan dowlada Khaliijka .
Dowlada Qadar ayaa waxay marti galin siisay Maxamed Saciid Atam oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dagaalo badan ka wadi jiray buuraleyda Galgala markii danbana isaga baxay kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas
M_M Deeq
Halgan.net