Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudiga (Masawiro)

August 18, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxmed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo  ayaa maanta gelinkii danbe 17 August 2017 safar ugu ambabaxay  dalka Boqortooyada Sucuudiga, Safarka Maxweynaha iyo weftigiisa ayaa daaranaa gudashada waajibaadka Xajka oo ah mid kamida tiirarka islaamka, kaas oo looga baahan yahay qofkasta oo muslima oo awooda.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ka dhoofay magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku wehelinaayey safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, iyo Murwadiisa iyo sidoo kale  masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka diyaarada Boosaaso kusii sagootiyey maamulka gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, taliska qeybta gobalka bari iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahor inta aanu safrin lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay isaga iyo weftigiisu aadi doonaan dalka Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay soo gudan doonaan waajibaadka diiniga ah ee xajka, Madaxweynaha ayaa ka dhawajiyey in isaga iyo weftigiisu usoo ducayn doonaan dalka.

‘’Waxaan galabta u ambabaxaynaa dalka Sacuudiga oo aniga iyo guddomiyihii Baarlamaanka Puntland iyo ummad kale oo reer Puntland-ah aanu u aadayno gudashada waajibaadka Xajka, Illahay waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo gudashada waajibaadka Xajka dhammaantayo, Insha Alla haddaanu tagnona waanu soo ducaynaynaa in Illahay dalkayaga nabad noogayeelo, In Illahay horumarka iyo wanaagga noo siyaadiyo, In Illahay wixii dhib ah oo jira naga dulqaaado oo noo fududeeyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ummaadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland ka dalbaday inay usoo duceeyaan isaga iyo weftigiisa, isla markaana ay soocafiyaan, soona saamaxaan cid kasta oo wax tabanaysa haddii ay jiraan.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland kula dardaarmay inay Ilaashadaan nabad gelyadooda iyo xasiloonidooda, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamadooda sugaya amaankooda, Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle ka baryey inuu nabad kusoo celiyo, dalka oo nabadana ay dib ugu soo laabtaan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online