Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo Muqdisho laga soo dajiyey
August 13, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad sida Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay goor dhow ka soo duushay, waxaana diyaarada ku weheliya Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac.
Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa waxaa loo soo wadaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu warbaahinta kula hadli doono isaga ka warbixin doona kooxda Al-Shabaab ee uu mudo ka tirsanaa iyo wax badalay mowqifkiisa.
Diyaarada Helicopter ah ayaa waxaa ay DFS u dirtay Degmada Xudur si ay u soo qaadaan Abu Mansuur Roobow , Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac.
Mukhtaar Roobow ayaa saaka isku dhiibay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay weeraro ku soo qaaday deegaanka Abal ee ka tirsan degmada Xudur oo uu in muddo sanado ah oo uu ku sugnaa Abu Mansuur Roobow.
Maleeshiyo taabacsan Abu Mansuur Roobow iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay isku leynayey deegaanka Abal iyo nawaaxigiisa waxaana kala gaaray Khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac faro badan .
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa wada sugaya qaabka DFS ay u maareyso Arimaha Abu Mansuur Roobow oo haatan ka soo baxsaday Kooxda Al-Shabaab.
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan diyaaradii siday Abu Mansuur Roobow ay soo gaartay magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net