Shirka Golaha Wasiirada oo diirada lagu saaray Masiibada Qaran, Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse
October 26, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Uganda, Ethiopia iyo Djibouti oo si guul ah ku soo dhammaaday, laguna heshiiyey in ciidamda Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga wada qeybqaataan dib u xoreynta dalka si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka oo dhan.
Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey geedisocodka deyn-cafiska oo ay Dawladda Federaalka mudo kala shaqeyneysay hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Kalluumeysiga ayaa ku qanciyey IMF in Somalia laga cafiyo deymaha si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka warbixiyey kulanka sanadlaha ah ee hay’ada Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo uu ka qeybgalay, iyadoo Somalia ay ka mid noqotay xubin buuxda oo leh codeyn. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la soo sameeyey wadamo badan.
Golaha Wasiirada ayaa tacsiyo qaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muse oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka ayaa ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kana mid ahaa xildhibaanadii Dawladii lagu soo yageleelay Carta, kana soo qeybqaatay xornimda dalka, isla markaasna ku guuleystay in Soomaaliya ay yeelatay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ahaa ciidan dishibiliin leh, bulshada la shaqeeya, sugayna amniga iyo kala danbeynta dalka, caana ka ahaa Afrika. Dawladda Federaalka ayaa guddi u saareysa qabanqaabiyey baroordiiq sidii loogu sameyn lahaa oo loo xusi lahaa doorkiisii wadaninimada, xil-kasnimada, waaayo-aragnimada ee uu ku soo hoggaamiyey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay casuumada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u fidiyey Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo lagu wado inuu shirkooda qabsoomo 28ka Oktoobar 2017. Xukuumada ayaa wada qabanqaabada shirkaas, oo looga hadli doono xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.
DHAMAAD
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska