Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah oo bayaan ka soo saaray qaraxii ka dhacay Muqdisho
October 16, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu uga tacsiyaynayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, musiibadii naxdinta lahayd ee ka dhacaday Sabtidi 24/muxaram/1439, 14/10/2017 Magaalada Moqdisho. Waxaanu Alle uga baryayaa naxariistii Janno inuu ka waraabiyo intii dhimatay cafiimaadna siiyo inta uu dhaawacu soo gaadhay. 2- Ururka Al-Ictisaam waxaa uu cambaaraynaya falka argagaxiso, iyo gumaadka loo gaystay shacabka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Moqdisho, waxaanay ugu baaqaya Ganacsatada, madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhamaan haldoorka umadda soomaaliyeed in ay gutaan kaalintooda kaga aadan arintan meel na looga soo wada jeesto cadawga.
Hoos ka Akhriso bayaanka ay qaraxii is gosyska Zoobe ka soo saareen Ururka Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah
Bayaan 16-10-2017
A/cawaale
Halgan.net