War murtiyeed laga soo saaray shirka Maamul goboleedyada uga socday magaalada Kismaayo
October 11, 2017 - Written by EditorKismaayo:-shirka Wadatashiga ee magaalada Kismayo ugu socday Madaxda Dowladda Goboleedyada ayaa waxaa laga soo saray warmurtiyeed ka kooban ilaa 16 qodob oo looga hadlay arrimaha kala ah arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Khilaafka siyaasadeed, xaalada Galmudug , taageerada beesha Caalamiga, iyo talooyin iyo baaq loojeediyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirka Wadatashiga ee magaalada Kismayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda Dowladda Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug mana jirin madax sare oo ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Kismaayo.
Hoos ka Akhri warmurtiyeed ka soo baxay shirka Wadatashiga ee magaalada Kismayo
no images were found
A/cawaale
Halgan.net