Xildhibaano ka tirsan Maamulka Gal-Mudug oo war ka soo saaray shirka Kismaayo.[Dhagayso]
October 8, 2017 - Written by EditorCadaado:-Xildhibaanadii horay u shaaciyey in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta waxaa ay soo saareen warsaxaafadeed ay uga soo hor jeedaan shirka maamul gobolleedyada uga furmay magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Xildhibaanadaan ayaa waxaa ay sheegeen in shirka ka furmay Kismaayo uu yahay mid lagu duminayo Qaranimada Soomaaliya iyo dastuurka u yaal maamulka Gal-Mudug.
Warsaxaafeedka ayaa waxaa u akhriyey saxaafadda Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow waxaan uu ku eeddyey Madaxweynaha Jubbaland in shirka kismaayo uu ku casumay madaxweynihii hore ee Gal-Mudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo uu sheegay in xildhibaanada Gal-Mudug ay si sharci ah xilka uga qaadeen.
Hoos ka Dhagayso Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo warbaahinta u akhriyey warsaxaafeedkooda
A/cawaale
Halgan.net