Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo sheegay in ay dileen 18 ka tirsan Al-shabaab
March 17, 2018 - Written by EditorBoosaaso:- Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxay soo geba gebeeyeen hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka Al Shabaab oo ay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay (14-16 March 2018) ka wadeen deegaanada buuraleyda Dhagax dhaabur,Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow.
Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay hawlgalladan ku dileen 18 xubnood oo ka tirsan ururkaa Al Shabaab. Ciidanka PSF oo fariin qoraaleed ku baahiyey barta ay ku leeyihiin baraha bulshada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaa hawlgallada ka dhanka ah kooxah Al-shabaab oo ay xuseen in ay cadaw ku yihiin Puntland ayna doonayaan in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaa kuwa ku nool deegaanada Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net